Baydhabo(Halqaran.com) –Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed (SEIT) ayaa shaaciyey 11 kursi oo Aqalka hoose ah kuwaas oo dhawaan la qaban doono doorashadooda.
Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in xubnahaan doorashadooda dhammaan lagu qaban doono Magaalada Baydhabo.
Shaacinta 11 kursi ee uu shaaciyay maamulka koofur galbees Soomaaliya ayaa kusoo aadayo xili lagu waddo in muqdisho uu ka furmo shir looga hadlayo arimaha doorashooyinka waxaana marar badan dib u dhac uu ku yimid doorashadda soomaliya.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horey u qabtay doorashada Golaha Shacabka, waxaana Baydhabo lagu doortay in ka badan 10 XIldhibaan oo kamid noqday Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, halka kuwo kalena ay weli harsan yihiin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





