Muqdisho(Halqaran.com) –Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa maanta saraakiisha ciidanka kala hadlay in aysan ku milmin siyaasadda isla markaana waajibaadkooda u gutaan sida uu sharciga dhigayo.
Taliyaha ayaa sheegay in ay u xilsaaran yihiin in ay ilaaliyaan arrimaha nabad-gelyada shacabka Soomaaliyeed, mas’uuliyadna ay ka saaran tahay doorashooyinka dalka, kuna ekaadaan amniga guud ee dalka.
“Anaga doorashada hagideeda iyo daadejinteeda ma ahan ee anaga waa amni, waxaa la rabaa saraakiisha I hor fadhisa in ay ciidanka ay mas’uulka ka yihiin ee dowlad goboleedyada iyo magaalada Muqdisho qeyb libaax ka qaataan sugida amniga doorashooyinka,” ayuu yiri taliyaha
Taliye Xijaar ayaa uga mahad celiyay kaalinta ay Boliisku ku lahaayeen sugidda arrimaha amniga iyo doorkii dhexdhexaadka ahaa ee ay ka qaateen intii la guda galay doorashooyinka haatan socda.
Wuxuuna aad ugu boorriyay inay daadejiyaan awaamiirta kasoo baxda taliska sare loona dhega nuglaado, lana adkeeyo midnimada iyo wada jirka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed
Sidoo kale, taliye Xijaar ayaa shacabka u sheegay in ciidanka diyaar u yihiin in ay ku howlgalaan dareenkooda isla markaana ciidanka booliiska looga baahan yahay in ay shacabka u turaan.
Hadalka taliyaha booliiska, ayaa imaanaya xilli shalay sidan oo kale taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sareeyo guuto Odawaa Yuusuf Raage amray in ciidanka xoogga uusan faraha la gelin siyaasadda.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





