Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

MW Farmaajo oo Maanta dalacsiiyay saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Muqdisho(Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galay Munaasabadda Xuska Sannad Guurada 78-aad ee Aasaaska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, dhiirigelinayana qaar ka mid ah Taliyeyaasha Hoggaannada iyo Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u taagan ilaalinta amniga dalka iyo badqabka nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed, ayaa dallacsiiyey Saraakiishan:

1. Taliyaha Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Farxaan Maxamuud Aadan oo u dallacay Sarreeye Guuto.
2.Taliyaha Hoggaanka Isgaarsiinta, Gaashaale Sare Cabdikariin Xuseen Macallin oo u dallacay Sarreeye Guuto.
3. Taliyaha Akadeemiyada Booliska ee Janaraal Kaahiye, Gaashaanle Sare Muqtaar Gaabow Xasan, oo u dallacay Sarreey Guuto.

Booliska Soomaaliyeed waa cududdii ugu horreysay ee dowladnimada Soomaaliyeed, waa geedkii ay ka farcameen dhammaan qaybaha Ciidamada Qalabka Sida ee Dalkeenna.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...