Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulanka Golaha Wasiirada Soomaaliya? Akhriso.

Muqdisho(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa  guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka, diyaargarowga shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-ka December ka dhici doona Muqdisho, wadashaqeynta hay’adaha dowladda  iyo Gurmadka abaaraha.

 

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe, oo kulanka golaha wasiirada kadib warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay qodobadii looga hadlay shirka, isagoona sheegay in R/wasaare Rooble uu hay’addaha ammaanka faray adkeynta ammaanka ee dalka

Sidoo kale Wasiirka waxaa uu sheegay in jiitanka doorashooyi ka uu sameeyay, dhaqaalaha dalka, noloshii dadka, maalgashigii, deeqihii Caalamiga ahaa iyo Shaqadii caadiga ahaa ee dowladda.

asaga oo hadalkiisa wata aya waxa uu yiri “Xaaladda Caafimaad ee soo laba kacleeyay oo heerkiisa seddexaad ee nasoo gaaray COVID-19 qeebtiisa Omicron waxaana leesla qaatay in guddiyadii Xukuumadda oo kashaqeyn jiray COVID-19  in dib lasoo celiyo si ay u qabsadaan shaqadooda”.

 

Ugu dambeyn Wasiirka waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha amray in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka dalka oo waqtigii loo qorsheeyay dib uga dhacay.

 

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...