Monday, September 28, 2026
25.7 C
Mogadishu

Hawlgalka Midowga Afrika Ee Soomaaliya Oo La Kordhiyay ( maxaa ka jira?)

Muqdisho(Halqaran.com) –Golaha Ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa muddo saddex bilood ah ku kordhiyay howlgalka midowga, taas oo ah wakhti siineysa wadahadalka dib u habeynta howlgalkaas.

“Iyada oo xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah nabadda iyo ammaanka caalamka, wuxuu Goluhu go’aansaday inuu oggolaado in dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika inay sii wadaan hawlgalinta Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ilaa 31-ka Maarso 2022” ayaa lagu yiri Bayaan uu soo saaray Golaha Ammaanku kadib shirkii Talaada maanta.

Bayaankan ayaa sii raaciyay “Wuxuu Goluhu oggolaaday in AMISOM ay qaaddo dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay si buuxda ugu hoggaansamaan waajibaadka dowladaha ka qeyb galaya ee waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo ay ku jiraan sharciyada bini’aadantinimada iyo xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo qarannimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gudato waajibaadkeeda, sida ku cad faqradaha 12 iyo 13 ee qaraarkii2568 (2021)”

Dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa si weyn iskugu khilaafay qaabka uu yeelan doono hawlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM wixii ka dambeeya sannadkan, waxaana Midowga Afrika uu dhowaan ansixiyey qorshe hawlgalka ka dhigaya mid ay wadajir u maamulaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, kaas oo dowladda Somalia ku gacan-seyrtay.

Soomaaliya ayaa dhinaceeda wadda hirgelinta qorshe ay ugu magac dartay STP oo ah Qorshaha ay Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, waxaana dhawaan la hirgaliyay guddi ka kooban dowladda Federalka iyo maamul gobolyeeyada, kaas oo qiimeyn ku sameynaya qorshahan.

Xigasho: VOAsomali

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...