Tuesday, September 29, 2026
31.2 C
Mogadishu

RW Rooble oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Dalka Jabuuti.

JABUUTI (Halqaran.com) –Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee  Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan dalka Jabuuti ayaa Maanta kulan la qaatay Madaxweyna ha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweyne Geelle ayaa waxaa ay uga hadleen inta uu socday xoojinta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya  labada dal ee walaalaha ah, kuna saleysan dhinacyo kala duwan.

 “Waxa aan rabaa in aan u mahadceliyo Dowladda & Shacabka aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Madaxweynahooda qaaliga ah Ismaaciil Cumar Geelle, Runtii Madaxweyne Ismaaciil ma aha keliya Madaxweynaha Dowladda Jabuuti waa aabaha shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan qof aan bani aadamka u mahadcelin alle uma mahadceliyo waxa aan Madaxweyne Geelle ugu mahadcelinayaa Dowladnimada maanta aan heysano oo uu u yahay aasaasihii” .

Ra’iisul wasaaraha ayaa Jabuuti u tegay xiritaaka madasha aragti wadaagga ee Machadka Heritage oo sanadkan lagu qabtay wadankaasi.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...