Tuesday, September 29, 2026
30.2 C
Mogadishu

Madaxweynaha Ruushka oo warqadaha ka guddoomay safiirka cusub ee Soomaaliya u magacowday wadanka Ruushka

Ruushka(Halqaran.com) –Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladimir V. Putin ayaa warqadaha aqoonsiga danjire-nimo ka guddoomay safiirka Cusub ee ay Soomaaliya u magacowday dalkaasi Mudane Xasan Cabdi Daauud.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay aqalka madaxtooyada dalka Ruushka ayaa madaxweyne Vladimir V. Putin waxaa uu qudbad ugu jeediyay safiirada cusub ee uu aqoonsiga ka guddoomay kuwaa oo gaaraya 21 danjire oo ka kala socday dalal ka duwan oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Putin waxa uu Danjiraha cusub ee Somalia u sheegay inay Dowladda Federalka ku tallaabsatay Tallaabooyin lagu xoojinayo Madax Banaanida iyo Wadajirka dhuleed ee dalka Somaaliya,  La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixisada iyo Xag-Jirka, waa sida uu Madaxweyne Putin hadalka u dhigay.

Mudane Xasan Cabdi Daa’uud ayaa ka shaqeynaya kor u qaadista xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalka Ruushka gaar ahaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, ganacsiga iyo ciidamada.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...