Tuesday, July 28, 2026
25 C
Mogadishu

Boqor Buurmadow oo raali galin ka bixiyay hadal si qaldan loo fahmay .

Muqdisho(Halqaran.com) –Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow), oo kamid ah hogaamiyeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, ayaa raali-gelin deg deg ah ka bixiyay hadal uu ka jeediyay Muqdisho, kaas oo u muuqday mid taageero loogu muujiyay dagaalyahana hubaysan ee Al-Shabaab.

Muuqaalka uu soo duubey Maanta ayuu Boqor Buurmadow ku muujiyay sida uu uga xun yahay, ugana qoomameeyay hadalkiisa ahaa in Soomaaliya ay ka jirto labo dowladood oo kala ah Al-Shabaab iyo dowladda Federaalka.

 “Waxaan joogay oo aan ka hadlayay qado beeleed, waanu kaftameynayay waan hadleynay, kaftan beeleed buu ahaa” ayuu yiri boqor Buurmadow.

“Aniga horey ayaan u caddeeyay cid kasta oo dhiig daadisa ama dhaqan haku daadiso ama siyaasad haku daadiso ama diin haku daadise in aan marnaba anigu taageersaneyn” ayuu yiri Buurmadow oo hadalkiisa raaciyay “Shabaab waxa naga dhexeeya iyo fikir naga dhexeeya taasna shacabka wuu ogyahay, waana la iigu yaqaanaa, mana jirto”

“Raalli-gelin buuxda ayaan bixinayaa, Shabaabna dowlad uma aqaan mana aaminsani fikirkooda,” ayuu yiri Buurmadow, ku dooday isagoo sidoo kale iska fogeeyay inuu taageersan yahay.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in wax xiriir ah uusan kala dhexeyn Al Shabaab.

“Shabaab waxa naga dhexeeya iyo fikir naga dhexeeya taasna shacabka wuu ogyahay, waana la iigu yaqaanaa, Runta”

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...