muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka wasaaradda warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Obokor Dubbe ayaa ka tacsiyeeyay Geeridi ku timid alle ha unaxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo xalay u geeriyooday Qarax lagu weeraray Gaari uu saarnaa.
“ Waxaa wasaaradda warfaafinta la soo gudboonaatay geeri naxdin badan waxaa qarax ay soo maleegeen cadowga lagu dilay Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed, waxaa sidoo kale dhaawac ah ah agaasimaha TV-ga Qaranka, waa geeri naxdin iyo dhaawac naxdin leh,”a yuu yiri Wasiir Dubbe.
Sidoo kale, Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa tacsi u diray, qoyska, asxaabta iyo dhammaan bahda saxaafadda uu ka baxay Cabdicasiis Afrika oo dowr muhiim ka soo qaatay nabada iyo horumarka dalka.
Alle ha u naxariistoo Cabdicasiis wuxuu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.
Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.
Halqarannews@gmail.com





