Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

Shirka Wasiirada IORA oo Soomaaliya ka Qeybgashay

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha debadda Soomaaliya Balal Cusmaan ayaa wadanka Bangladesh uga qeybgalay shirka 23 ee wadamada ku bahoobay IORA oo ah wadamada wadaaga Badweynta Hindiya.

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin qorshaha 2022 ilaa 2027 iyo saameynta Covid-19 uu ku yeeshay dhaqaalaha wadamadaan iyo sida looga soo kabanayo.

Sido kale Inta uu socday shirkaan ayaa wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha debadda XFS Balal Cusman waxaa uu kullan gaar ah la qaatay wasiirka arrimaha debadda dalka Bangladesh DR A K Abul Momen waxaana ay ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya iyo Bangladesh, dhinacyada Ganacsiga, in la iska kaashado shirarka caalamiga ah, iyo sido kale deeqaha waxbarashada.

ugu Dabeyn Labada wasiir ayaa isla gartay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u safra dalkaasi dalka ku galka Bangalesh laga siiyo gudaha garoomada diyaaradaha dalkaasi marka ay ka dagaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...