Wednesday, April 29, 2026
30.9 C
Mogadishu

DFS oo digniin adag u dirtay dad ka caqabada ku ah dhismaha wadada Muqdisho & Jowhar

Muqdisho(Halqaran.com) –Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Xildhibaan Cabdullaahi Maxamad Nuur iyo Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali Masuliyiinta Shirkadda dhisaysa Wadada Muqdisho iyo Jawhar, Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Injineero kasocday Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa manta kormeer ku tagay dhismaha Wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar oo meel fiican maraya.

Ugu horayntii masuuliyiinta ayaa kormeer kooda ka bilaabay halka uu yaalo qalabka dhismaha ee wadada lagu dhisayo iyagoona mid mid u kor istaagay waxaana faahfaahin kasiiyey masuuliyiinta gacanta ku haysa dhismaha.

Intaa kadibna iyaga oo kormeer kooda siiwata masuuliyiintu waxa ay tageen halka laga qodo kaawada lagu dhisayo wadada, dadka deegaanka ayey uga mahadceliyeen sida ay u garab taaganyihiin dhismaha Wadada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa fariin u diray shaqsiyaad uu sheegay inay caqab ku yihiin dhismaha Wadada, islamarkaana aan Wadada marnaba loojoojin doonin.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Xil. Maxamed Aadan Macalin Soomaali ayaa sheegay in lasoo gabagabeeyey intii badnayd dhismaha waxa uuna u mahadceliyey ciidanka sugaya ammaanka Wadada iyo Dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...