Wednesday, April 29, 2026
29.7 C
Mogadishu

Wadahadalladii laga dhex waday Ahlusunna iyo Galmudug oo fashilmay

Dhuusamareeb(Halqaran.com) –Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa deegaanka Bohol oo ay ku sugan yihiin ciidamada Ahlusunna ayaa sheegay in dadaalladii ay wadeen ee ku aadana in lasoo afjaro colaada in uu fashil kusoo dhamaaday.

Generaal Abshir Aadan labo Afle ayaa sheegay in dhammaan qodobadii  ay wadeen in ay diideen Ahlusunna ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin wax wadahal ah oo ay la galaan maamulka Qoorqoor, maadaama dhawaan lagu qaaday dagaal Culus.

waxa uu sheegay in uu 12 maalmood u joogay Bohol si aan dhiig dambe u daadan balse ” nimanka jooga ay diideen wax kaste oo xal ah”

“Dadaal dheer ayaan sameynay saraakiil ahaan, waxaan Bohol joognay 12-maalmood si aan raga halkaas jooga uga baajino in dhiig dambe daato balse way naga diideen wax kasta oo aan xal ahaan u wadney iyagoo ku adkeystay aragti aan soconeynin oo uu horey u sheegay hoggaamiyohooda, waana kasoo laabaney.” Ayuu ku ka sheegay shir jaraa’id uu ku qabtay magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Taliye Laba-Afle ayaa uga mahad celiyay Madaxwayne QoorQoor sida uu fursadan u siiyay, isagoo sheegay in go’aanka nimankaasi laga qaadanayo yahay mid u yaala dowlada iyo cidii amniga shuqul ku leh.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...