Muqdisho(Halqaran.com) –Guddiga maamulka doorashada kuraasta gobolada waqooyi Somaliland (SEIT) ayaa 9 kursi oo Gollaha Shacabka u gudbiyay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, kuwaas oo doorashadooda la qabanayo todobaadkan.
Kuraasta la qaban doono ayaa sumadooda waxa ay tahay Hop214,Hop218,Hop226,Hop233,Hop208,Hop210,Hop272,Hop202,Hop225, iyadoo maalinimada beri ahna madax dhaqameedka kuraastaasi leh la faray iney soo xaadiraan, si tababro loo siiyo.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro, ayaa talaabadan soo dhaweeyay, isagoo maamulada kalena faray iney si deg deg u soo saaraan jadwalka doorashada xildhibanaada aqalka hoose.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





