Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay ku xigeenka eregyga gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Simon Mulongo, iyadoo lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka ciidamada AMISOM ee ka howl-gala gudaha dalka.
Simon Mulongo ayaa loo qabtay inuu dalka uga baxo muddo 7 cisho ah, sida lagu sheegay ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.
Waxaana Wasaaradda arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya kasoo baxday warqad Persona Non-grata loogu jaray Simon Mulongo oo ah nin aan dalka laga rabin sida ku cad warqadda.
Hoos ka akhriso Warqadda

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





