Muqdisho (Halqaran.com) –Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Clmi Cali (Cabdul) ayaa Maanta xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka Maxamed Aadan Koofi.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, Wasiirka amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka aya Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday.
Sidoo kale Mahdi Guuleed ayaa u mahadceliyay Agaasimihii hore ee hay’adda Maxamed Aadan Koofi , isla markaana ku boggaadiyey shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka soo qabtay hay’adda muddadii 6 sanno aheyd ee xilkaas uu haayay.
Gollaha Wasiiradda Xukuumadda ayaa dhawaan ansixiyay xilka-qaadista Maxamed Aadan Koofi, oo uu soo jeediyay Wasiirka amniga C/llaahi Maxamed Nuur, waxaana tallaabadan ay kusoo beegmaysaa xili dalka uu ku jiro Xaalad kala-guur ah .
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





