Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta Ansixiyay Miisaaniyadda 2022 Ka.

Muqdisho(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirrada oo ku saabsanaa xaaladda guud ee dalka, ansixinta miisaaniyadda dowladda 2022 ka .

Golaha Wasiirrada ayaa ugu horayn ansixiyey miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadka 2022 oo dhan 699.1 Milyan sida uu sheegay afhayeenka Xukumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbaahinta la wadaagay qodobadii looga dooday shirka golaha wasiiradda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo bogaadiyey kororka iyo ansixinta miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2022-ka ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda 2022-ka ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.

 

ugu dambeybtii  Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya  ayaa ah sanada 2022 ka  669 Million oo doollar oo ay  meel mariyeen Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya taasi oo ka kooban Mushaarka Shaqaalaha, Caafimaadka iyo mashaariicda horumarinta Dalka .

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...