Muqdisho(Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa Maanta magacabay gudiga fulinta wareegtadii madaxweynaha,ee ilaalinta dhulka danta guud, kaas oo la sheegay in uu ku socda Boob aad u xoogan ay geysanayaan saraakiil ka tirsan dowlada iyo Ganacsato,doonaya in Maalgashi ku sameeyaan Dhuka Danta guud.
Sido kale Gudiga uu ra’isul wasaare Maxamed xuseen Rooble magacaabay ayaa waxaa ka mid ah.
1: Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax Gudoomiye
2: Wasiirka Cadaaladda Cabduqaadir Maxamed Nuur
3: Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur
4: Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab).
guddigan ayaa ka shaqeyn doono in ay ka hortagaan boob la sheegay in lagu hayo qaar ka mid ah dhulka danta guud oo ku yaala Magaalada Muqdisho
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





