Muqdisho(Halqaran.com) –Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020-2021, ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsan doorashadda golaha shacabka ee Kuraasta Goboladda Waqooyi.
Qodobka ay si toos ugu hor yimaadeen ayaa sheegayay in wixii khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan ay xallin doonaan, oo go’aan kama danbeys ah ay ka gaari doonaan Guddoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka waxa uu sheegay in qodobkan uu si toos ah uga hor’imaanayo mas’uuliyaadka loo igmaday Guddiga Xallin Khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood sharci ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha Doorashooyinka dadban.
Halkaan Ka Akhriso Warsaxaafadeedka

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





