Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa xukun xabsi 5 sano ah ku riday maanta oo talaado ah Matt Bryden, oo ah agaasimaha guud ee hay’adda cilmi-baarista Sahan, taasoo ka shaqeysa dalal dhowr ah oo ku yaalla Geeska Africa.
Matt Bryden, ayaa lagu eedeeyay isaga iyo shan qof oo kale oo uu ku jiro Rashid Abdi in ay bixiyeen xogta amaanka qaranka iyo mida militeriga Soomaaliya, oo ay ku dabaceen bogga Sahan Research.
Lixda qof ayaa sidoo kale lagu eedeeyay basaasnimo. Kuwa kale ee ku jira warqadda dacwadda waxaa ka mid ah Colin Robinson, oo isku sheegay inuu yahay falanqeeye milateri iyo difaac, Khayre Cabdiraxmaan Raage, Emmanuel Deiser iyo David Hopkins.
wararka ayaa sheegaya in Maxamadda ay ku heshay eed uu ku soo oogay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, taas oo ah in Matt Brydan uu faafin jiray siraha Qaranka.
Hey’adda Sahan Reseach ayey maxkamaddu ka mamnuucday in dib dambe ay uga howlgasho gudaha Soomaaliya.
Gudaha Dalkeena Soomaaliya ayaa waxaa ka howlgala hay’ado laga leeyhy waddamo shisheeye oo aan la ogeyn Waxa ay ka qabtaan Dalka , kuwaasi oo la sheego in qaarkood ay Qatar ku yihiin sirta qaranka iyo Amaanka Dalka , inkastoo haatan xukun shan sano ah lagu riday Milkiilaha Sahan Research.
Halqarannews@gmail.com





