Beledweyne (Halqaran.com) –Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Maqaayad ku taalla gudaha Saldhiga Booliska ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana qaraxa jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhinteen labo qof oo kala ahaa duqii deegaanka Feer-feer, Khaliif Muumin Garaad iyo Haweeney Maqaayad ku laheyd halkaasi.
Sidoo kale waxaa dhaawacmay taliyaha saldhigga Booliiska Beledweyne, Col. Maxamed Qoorsheel iyo guddoomiyaha maamulka deegaanka Feerfeer Mahad Bayle.
ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Beledweyne ayaa gebi ahaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa Saldhiga Booliska, isla markaana waxaa ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii ka dhacay Saldhiga Booliska.
Beledweyn ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka golaha shacabka, waxaana maalmihii u dambeeyey ka dhacayey falal liddi ku ah amniga.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





