Sunday, April 19, 2026
29 C
Mogadishu

Warar dheerad ah oo ka Soobaxaya Dilka Xildhibaan kasoo jeeda Dalka UK .

UK (Halqaran.com) –Xildhibaanka muxaafidka ah Sir David Amess ayaa dhintay ka dib markii  la tooriyeeyay xilli uu ku sugnaa  Essex oo laga doortay.

Booliska ayaa sheegay in nin 25 jir ah loo xiray tuhun dil kadib markii lagu weeraray kaniisad ku taal Leigh-on-Sea.

Warbaahinta Uk aya sheegtay in ciidanka booliska ay weerareen labo guri oo lagu tuhmaayo in falkaasi laga soo maleegay, sidoo kalena ruux weerarka geystay uu yahay asalkiiso Soomaali.

Sir David, oo 69 jir ah, wuxuu ahaa xildhibaan ilaa 1983 wuxuuna qabay shan carruur ah. Waa xildhibaankii labaad ee xilka haya oo la dilo shantii sano ee la soo dhaafay, kadib dilkii Jo Cox oo ka tirsaneyd xisbiga shaqaalaha sanadkii 2016 -kii.

 

Waxaa lagu dilay banaanka maktabad ku taal Birstall, West Yorkshire, halkaas oo lagu waday in lagu qabto xaflad.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...