Thursday, April 30, 2026
29.9 C
Mogadishu

Wasiiradda Wasaarada Haweenka &Hormarinta Xaquuqul Insaanka ee DFS  Marwo Xaniifa maxamed oo ka hadashay Dadkii laga soo masaafuriyay laascaanood

Muqdisho(Halqaran.com) –  Wasiiradda Wasaarada Haweenka &Hormarinta Xaquuqul Insaanka ee DFS  Marwo Xaniifa maxamed ibraahim xaabsade ayaa waxa ay si kulull ugu hadashay arinta Maanta ka dhacday Gobolka Sool Gaar ahaan laascaanood oo lagu soo  masaafuriyey ku dhawaad 700 oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Waxaa xusid mudan Dadkan ay soo masaafurisay Somaliland ayaa isugu jiray Haween, dhalinyaro, Carruur iyo Odayaal oo ku jiraan Ganacsato yaryar, waxaana Somaliland ay dadkaas ku eedeysay amni-darro iyo dilal qorsheysan oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Laascaanood.

War qoraal ah oo ay ku soo qortay barteeda  Facebook ga  wasiirada Haweenka iyo Hormarinta xaquuqul insaaka ayaa u qornaa sidaan.

“Waxaan aad ugu xumahay Dadka Soomaaliyeed in Dalkooda dhaxdisa laga masaafuriyo Arimaha noocan ah dadka Soomaaliyed Waxa ay ukeeneysaa kala fogaansho hor leh mana ahan dhaqan Soomaaliyed iyo dhaqan muslim waana fal cunsiriyad oo heeb sooc ah dadka soomaaliyed waa ay isku dhax noolyihiin wayna isku dhax noolaan doonaan”ayey tiri .

 

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya kadib maanta marki ay  Booliska Somaliland  ku dhawaad 700 oo qof oo ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool isugu geeyay Garoonka kubada Cagta Laascaanood, iyagoona halkaas kasoo saaray gaadiidka nooca xamuulka, isla markaana soo masaafuriyey, kuna eedeeyay dadkaas  amni-darro iyo dilal dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...