Muqdisho(Halqaran.com) Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf-waayay Qaraxii Maanta ka dhacay Barta Koontarool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada ee Isgoyska Geelgaabta ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto falalka amni darro ee xiliyada qaarkood ka dhacay Muqdisho ee lagu dhibaateeyo shacabka
“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan in uu Allah hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Gaadiid ay la socdeen Mas’uuliyiin ku socotay Xarunta Madaxtooyada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





