Hargeysa (Halqaran.com) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa Maanta soo saartay Qoraal Wargelin ah oo ku socda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo Wakiilada Beesha Caalamka Soomaaliya.
War Saxaafadeed ka soo baxay Somaliland ayaa waxaa Qarammada Midoobay, Midawga Africa, Midawga yurub, iyo guud ahaan bulshada caalamka lagu wargeliyay in Somaliland aysanb qeyb ka hayn doorashooyinka Soomaaliya.
Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegtay in ay uga digeeyso Maamulka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliya sheegashada ay ku marin habaabinayaan caalamka sida hadalka loo dhigay.
Hadalka Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli maalintii shalay la shaaciyay liiska musharixiinta ku tartamaysa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





