Muqdisho(Halqaran.com) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada oo ay goob joog ka ahaayeen xubno kamid ah golahiisa wasiirada.
Shirka ayaa looga hadlay mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha bulshada, iyadoo lagu soo bandhigay qorshaha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.
Shirka Waxaa goob-jooog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumada kuwaasoo mashaariicdan si gaar ah uu taabanayo.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu waday kulamo isdaba-jooga ah, waxaana uu guddoomiyay Shirka Tiirka Dhaqaalaha Dalka.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu guddoomiyo shirarka tubaha kala duwan ee Xukuumaddiisa, iyada oo uu weli jiro khilaafka Farmaajo iyo Rooble.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





