Muqdisho(Halqaran.com) – Illo Wareedyo lagu kal soon yahay Ayaa Waxa ay Ku Waramayaan in Kullan uu ka Socda Madaxtooyada Soomaaliya kulan kaasi uu garwadeen ka yahay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibraahim Muudeey, kaas oo lagu dhex-dhexaadinayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble.
Kulanka labada Mas’uul ayaa waxaa goobjoog ka ah Taliyeyaasha Ciidamada oo uu ku jiro Taliyaha KMG ee NISA Sarreeye Guud Bashiir Goobe iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Carab oo la socda Rooble.
Warraka horudhaca ah ee soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka ay labada mas’uul isku soo dhawaadeen, isla markaana uu jiro isfaham ay gaareen,sida ay Risaala u sheegeen illo ku dhow dhow kulanka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





