Garbahaarey(Halqaran.com) – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Gedo Axmed Buule Gareed ayaa maanta soo saaray wareegto uu xilka kaga qaadayo qaar ka mid ah masuuliyiin ka tirsan degmada Dooloow.
Warqadaan ayaa lagu sheegay in ay jirto baahi loo qabo in isbadal lagu sameeyo gobolka si uu ula jaan qaado xaalada ka jirta gobolkaas waxaa uu magacaabay masuuliyiintaan.
Isbadelkaan lagu sameeyey maamulka degmada Dooloow ayaa waxa la war geliyey Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Jubbaland C/raxmaan Xuseen Cawar, iyadoo aysan saameyn xilka qaadistaasi gudoomiyaha degmada Dooloow Cali faarax Mire.
Hoos KA AKHRISO:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





