Monday, April 20, 2026
29 C
Mogadishu

Go’aankii lagu kireyn lahaa qeyb ka mid ah Tiyaatarka Qaranka oo la joojiyay

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XF Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa hakiyey ijaarka iyo dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka kadib cabasho ay ka keeneen Golaha Abwaaniinta Soomaaliyeed iyo Hobolada Waaberi.

Wasiir Dubde ayaa waxaa la sheegay in isaga oo fulinaya amarka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu ku hakiyay go’aankii dib loogu howlgelin lahaa maqaaxida Tiyaatarka qaranka.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa u qornaa sidan;

“Aniga oo fulinaya amarka Ra‘iisal Wasaaraha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble waxa aan joojiyey dib u hawl-gelinta maqaaxida Tiyaatarka illaa amar dambe kaddib markii laga keenay cabasho ku aaddan dib u furisteeda”

Maanta ayaa waxaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan Gudaha tiyaatarka banaanbax ka dhigay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed iyo Hobolada Waaberi, iyaga oo sheegay in la iibsaday qeyb kamid ah tiyaatarka taasina aqbaleyn.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...