Friday, May 22, 2026
26.6 C
Mogadishu

Cayaartoyda kubadda Cagta ee Hayland oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho +(SAWIRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Cayaartooyda kubada cagta ee ka timid Haayland ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta soo gaaray garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Waxaana halkaasi ku Soo dhaweyay Wasiiro ka tirsan XF Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socotay qaar ka mid ah hay’addaha Dowladda Soomaaliya, Maamulka Gobalka Banaadir iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmooyinka Gobalka Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga Gobalka Banaadir Cali Yare Cali oo ka hadlay soo dhoweynta ayaa sheegay inuu rajeynayo in ay cayaartooydu la cayaaraan degmooyinka gobalka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federalka Soomaliya Cismaan Abokor Dubbe oo ka mid ahaa Wasiiradii soo dhoweysay ayaa sheegay in cayaaruhu yihiin caafimaad iyo is dhexgal bulsho Xukuumadduna ay dhiirigelineyso dhalinyarada Soomaaliyeed ee cayaaryahanada ah.

Ugu dambeyn, cayaartooyda ayaa ka kooban 30 iyo dhowr ruux oo ku matalayay Gobalka Hayland kuwaasoo dhowaan ku guuleystay Tartanka Koobka Kubadda Cagta iyagoo ka guuleystay Gobalka Nugaal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...