Friday, May 1, 2026
28.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Hirshabeelle ‘Cali Guudlaawe’ oo dib ugu noqday Jowhar

Jowhar (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Axaddii Maanta dib ugu laabteen Magaalada Jowhar, halkaas oo siweyn loogu soo dhaweeyay.

Cali Guudlaawe oo socdaalkiisa ay ku wehliyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Xubno ka Tirsan Labada gole ee Dowlad Gobledka Hirshabelle iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxwynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay kulankii Golaha wadatashiga Qaran ee laga soo saaray habraaca doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn, madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka warbixiyay socdaalkii shaqo ee uu ku tagay Degmada Cadale, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Muqdisho uga qeyb galay isagoo ugu dambeyn sheegay in todobaadka soo socdo Hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashada Aqalka Sare.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...