Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ‘Odawaa’ oo Addis Ababa kula kulmay Taliyaha ciidamada Itoobiya

Addis Ababa (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Addis Ababa kula kulmay Taliyaha Ciidamada Itoobiya, General Berhanu Jula.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay dardargelinta iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

“Labada Taliye ayaa ka wadahadlay, sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli Ciidamada Federaalka Itoobiya ay dagaal kula jiraan jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...