Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

Wasiirrada Maaliyadda dalalka Soomaaliya iyo Turkiga oo arrimo badan kawada hadlay

Ankara (Halqaran.com) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta Magaalada Ankara kula kulmay Wasiirka Maaliyadda Turkiga, Lütfi Elvan.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay ka wadahadleen dib-u-habaynta ku socdo dhaqaalaha dalka, isagoo dhanka kalena kaga mahadceliyay taageerada maaliyadeed ee Turkigu ku kabo miisaaniyadda dalka.

“Waxaan maanta kulan wax ku ool ah Magaalada Ankara kula yeeshay Wasiirka Maaliyadda Turkiga, Lütfi Elvan. Waxaan ka wadahadalnay dib-u-habaynta dhaqaalaha ee ka socda Somaliya, waxaana uga mahadceliyay doorka muhiimka ah ee Turkigu weli ku leeyahay taageerada miisaaniyadda. Turkigu waa saaxiib muhiim u ah Somaliya.” Ayuu yiri Wasiir Beyle oo warkan ku sheegay bartiisa xiriirka bulshada.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay, iyadoona Dowladda Federaalka uu ka taageero kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta dowladnimada, dib-u-dhiska dalka iyo weliba tayaynta ciidamada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...