Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

RW Rooble oo galabta gaaray magaalada Nairobi

Nairobi (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Nairobi, ka dib markii ay ka ambabaxeen magaalo xeebeedka Mombasa.

Mr Rooble ayaa sii jooggi doona Magaalada Nairobi, muddada ka harsan booqashada uu ku jooggo dalkaasi.

“Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ee safarka shaqo ku joogga dalka Kenya ayaa soo gaaray Magaalada Nairobi, oo uu sii joogi doono inta ka dhiman safarkiisa Kenya.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Rooble.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Talaadadii gaaray Magaalada Mombasa ayaa kula kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...