Wednesday, April 29, 2026
28.7 C
Mogadishu

Garabka labaad Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo doortay shir guddoon

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi, garabka Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho ku doortay Guddoonka Guddiga.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii maanta garabka kale ee guddigaasi, oo uu hoggaamiyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ay magaalada ku doorteen Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.

Afarta xubnood ee uu soo magacaabay Gudoomiye Xaashi ayaa Gudoomiyaha Guddiga u doortay Suleymaan Caydiid Cismaan, halka Cabdishakuur Abiib Hayir loo doortay inuu noqdo Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga.

Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo kow iyo toban xubnood ka kooban, ayaa waxaa min afar xubnood soo kala magacaabay Gudoomiye Xaashi iyo Mahdi Guuleed, halka saddexda kalena uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. Saddexdaasi xubnood ayaana la aaminsan yahay inay u janjeeraan garabka Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyn, guddoomiye Xaashi ayaa Khamiistii Ra’iisal Wasaare Rooble ku eedeeyay inaanu dhexdhexaad ka ahayn khilaafka garabkiisa kala dhaxeeya garabka kale.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...