Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Muqdisho waxa uu si kulul u eedeeyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Guddoomiye Xaashi ayaa sheegay, in ra’iisul wasaare Rooble uusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasiyinta gobolada Waqooyi.
Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa munaasabadan kaga hadlay arrimo kala duwan oo siyaasadda dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya labada garab ee siyaasiyiinta gobolada waqooyi ay u kala qeybsameen.
“Ra’iisul Wasaaruhu Afartii xubnood ee aan magacaabay intuu u yeeray ayuu ku yiri doorashooyinka anigaa ka masuul ah, waa inaad doorasho gashaan haddii aad is dooran waydaanna waan idinka saarayaa, hadda isagu ma magacaabin ee ogaada. Waa hanjabaad waana arrin aan sina loo qaadan karin”, ayuu yiri guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi.
Sidoo kale, wuxuu sheegay, Cabdi Xaashi inuu ka doonayo caddaalad uuna ka cabsi qabo in ra’iisul wasaare Rooble uu dhinac la safanayo.
Halka hoose ka daawo Muuqaalka Hadaljeedintii Guddoomiye Cabdi Xaashi:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





