Saturday, May 2, 2026
28.5 C
Mogadishu

Jubbaland oo sheetay in dad loo qabtay qaraxii lagu dilay Ciyaartoyda Kooxda JCCI

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta  shir gudoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha Wasiirada Maamulkaas.

Ugu horayn Shirka ayaa lagaga hadlay arimaha ammaanka iyo xaaladahii u dambeeyay ee deegaannada Jubbaland, iyadoo Wasaarada amniga laga dhagaystay faah-faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubada cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay, waxaana Wasaarada amniga iyo hay’adaha amaanku ay sheegeen in wali baaritaan uu socda isla markaana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas.

Wasaarada Maaliyada ayaa soo gudbisay xeerka isbadalka sharciga qoondad Wasaarada maaliyada taas oo golahu ay falanqayn kadib dib ugu soo celin doonan fadhiyada dambe.

Dhinaca kale, Wasaarada dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha la wadaagtay sidii gurmadka ay ugu samaysay ciyaartooydii waxyeeladu kasoo gaartay mashaqadii ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda JCCI, iyadoo wasaaradu ay sheegtay in sidoo la daah furay tartanka horyaalka kooxaha kubada cagta Jubaland oo si habsi leh u socda.

Wasaarada waxbarashadana waxaa ay soo gudbisay sida ay qeyb uga tahay heshiiska hormarinta waxbarashada ee Soomaaliya iyo Mareykanka kaas oo dib loogu habaynayo adeegyada waxbarashada Soomaaliya isla markana diirada la saarayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...