Friday, May 1, 2026
28.3 C
Mogadishu

Sheekh Shariif oo war ka soo saaray waxa ka jira ‘in musharraxiin ay isu tanaasuleen‘.

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya ahna musharax Madaxweyne Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul u beeniyay warar sheegaya in musharraxiinta qaarkood ay isu tanaasuleen.

Gudoomiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa beeniyey wararka sheegaya in musharraxiin qaar ay isku tanaasuleen oo ay qaar ka laabteen hankoodii xildoonka ahaa.

Sheekh Shariif kama uusan hadlin wararka la hadal hayey maalmahaan oo ahaa inuu xildhibaanimo raadsanayo si uu galaan gal ugu dhex yeesho golaha shacabka haddii uu ku hungoobo doorashada markii Afaraad uu u tartami doono.

Haddaba halka hoose ka khariso qoraalka uu soo saaray Sheekh Shariif.

‘‘Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay.

Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba  kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar.‘‘

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...