Thursday, April 30, 2026
28.5 C
Mogadishu

Maxkamadda CQS oo xukun adag ku riday rag lagu helay burcadnimo

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Talaadadii maanta waxa ay xukuno kala duwan ku riday Rag lagu helay inay si farsameeysan dadka ku nool Magaalada Muqdisho u dhici jireen.

Raggan oo laba ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa Cabdifitaax Cali Cumar iyo Nuur Cali Xasan, waxaana sigaar ah Cabdifitaax Cali Cumar loogu helay in, isaga oo wata Gaari nooca raaxada ah uu si farsameeysan dadka uga dhici jiray Moobeellada, halka Nuur Cali Xasan loo heysto in uu moobeelada u iibgeyn jiray.

Cabdifitaax Cali Cumar oo qirtay dambiga lagu soo eedeeyay ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in sida farsameysan uu dadka u dhici jiray uu ka soo min-guuriyay Filim Hindi ah oo uu daawaday, isaga oo sidoo kale soo bandhigay tirada dadka uu dhaca u geystay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in raggaan uu ku cadaaday dabiyada lagu soo eedeeyay, waxaana Cabdifitaax Cali Cumar lagu xukumay 10 sano oo Xabsi Ciidan ah, halka Nuur Cali Xasan lagu xukumay 2 sano oo Xabsi Ciidan ah.

Si kastaba, xukunsanayaasha ayaa heysta muddo ku siman 30 Cisho oo ay racfaan qaadan karaan, sida lagu sheegay Warka kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada.

Isku soo wada duub, xukunkan lagu riday labadan rag ayaa waxaa uu ku soo aadaa xilli todobaadyadii la soo dhaafay dadka ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir ay aad uga cabanayeen Kooxo Burcad ah oo Moobeelada ka dhacaya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...