Saturday, May 2, 2026
28.3 C
Mogadishu

Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay 8 Rag ah

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Gobollada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa ugu dambeyn maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 rag oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

Raggaan ayaa Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Puntland ku eedeysay inay ahaayeen Shabakad dilal iyo qaraxyo ka geysan jirey magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.

Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in kadib markii loo helay cadeymo raggaan iyo markhaatiyaal lagu riday xukun dil toogasho ah, hayeeshee ay heystaan inay racfaan ka qaataan Xukunka.

Maamulka Puntland ayaa todobaadkii hore waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay 21 rag ah, kuwaas oo 18 kamid ah toogashadooda ka dhacday Magaalada Gaalkacyo, halka Saddexda kale lagu kala toogtay magaalooyinka Garoowe iyo Qardho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...