Thursday, April 23, 2026
28 C
Mogadishu

Mareykanka oo shacabka iyo DF Somaliya ugu hambalyeeyay xuska maalinta xorriyada ee 1-da Luulyo

Muqdisho (Halqaran.com) – War qoraal ah oo ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Atony Blinken ayaa loogu hambaleeyay shacabka iyo DF Soomaaliya munaasabadda 1da Luulyo ee 61 sano guuradii xorriyadda Soomaaliya iyo maalinta midnimada dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca Mareykanka, waxaa u hambaleeyaynayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya sanad guurada 61 aad ee xoriyaddooda. Waxaa ku faanaynaa inaan sii wadno taageerada dadaalkiina ku aadan dhismaha nabadda, xasiloonida iyo Soomaaliya oo barwaaqo ah,” ayuu yiri xoghaye Blinken.

Munaasabaddan awgeed, waxaa madaxda Soomaalida ku boorinaynaa in ay sii wadaan wada shaqeynta ku aadan in la qabto doorasho loo dhan yahay oo si nabad ah ku dhacda, ayaa sidoo kale kamid ah aheyd qoraalka Mareykanka soo saaray.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, in doorasho hufan ay ka dhacdo Soomaaliya waxay aas aas muhiim ah u tahay mustaqbal wanaagsan oo dadka Soomaaliyeed helaan.

Dowladda Mareykanka waxay garab taagan tahay Soomaaliya iyadoo u dabaal degaysa maalinta xorriyadda iyo midnimada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...