Switzerland (Halqaran.com) – Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Switzerland, Austria iyo Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey, Abyan Maxamed Saalax, ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay buuxisay lix ka mid ah qodobada sagaalka ah ee uu ka koobanyahay Axdi Qarameedka Xuquuqda Aadanaha ee Qarmada Midoobay .
Sidoo kale, Danjire Abyan Maxamed Saalax, ayaa xustay in Soomaaliya markii sedexaad arrimaha xuquul insaanka ay hormarro badan ka gaaray.
“Tusaale Sharciga xaquuqda caruurta waan saxiixnay, sidoo kale sharciga xuquuqda dadka Naafada ee uu dhawaan saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaana ka mid ah kuwa ugu muhiimsan, illaa iyo hada waxaan dhameystirnay lix qodob” ayay hadalkeda ku dartay Danjire Abyan Maxamed Saalax.
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Switzerland, Austria iyo xarunta xuquuqul Insaanka ee qaramada Midoobey Abyan Maxamed Saalax, ayaa sheegtay in Soomaaliya oo ka soo kabaneyso bur-bur sodon sano qaatay hadane ay kaalin fiican uga jirto Axdi Qarameedka Xuquul insaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxay hadalkeeda ku soo gunaanuday Danjire Abyan, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan sida dhaqsida leh ugu socono dhanka hormarka si aan ula jaan qaadno Adduunka, waana noo muhiim inaan illaalino Xuquuqul Insaanka”.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





