Thursday, April 30, 2026
28.3 C
Mogadishu

Shacabka Itoobiya oo maanta u dareeray doorasho

Addis Ababa (Halqaran.com) – Shacabka dalka Itoobiya ayaa subixii Isniinta maanta u dareeray goobaha codbixinta, si ay u doortaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Heer Federaal. Doorashada Baarlamaanka ee dalkaasi ayaa waxaa ku tartamaya 47 xisbi, oo ku loomaya shan boqol, afartan iyo toddobo kursi oo Baarlamaanku ka kooban yahay.

Doorashadan oo lagu waday in la qabto sanadkii hore ayaa dib loogu dhigay xaaladda ka dhalatay xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Doorashada ayaana maanta ka dhaceysa inta badan Dowlad Deegaanada dalkaasi, marka laga soo taggo Dowlad Deegaanka Soomaalida, Magaalada Harar iyo gobolka ay dagaaladu ka socdaan ee Tigray.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in Dowlad Deegaanka Soomaalida iyo Magaalada Harar ay doorashadu ka qabsoomi doonto bisha September ee sanadkan.

Doorashadan ayaa ku soo aadaysa, xilli waqooyiga Itoobiya uu ka socdo dagaal u dhaxeeya militariga dalkaasi iyo xoogag taabacsan Ururkii TPLF ee ka arriminayay Gobolka Tigray.

Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ayaa wajahaya cadaadis calaami ah, oo ku aaddan sida uu maamulkiisu u wajahay dagaalka Gobolka Tigray.

Doorashadan ayaa noqonayso tii lixaad ee dalkaasi laga qabto tan iyo sanadkii 1995, waana doorashadii ugu horeysay ee dadka dalkaasi u dareeraan, tan iyo markii uu xafiiska qabtay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed, sanadkii 2018.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...