Saturday, June 6, 2026
26.3 C
Mogadishu

Wasiirka Gaanshaandhigga & xubno la socday oo la kulmay Wasiirka Gaadiidka Badda +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Badda iyo Ilaalada Xeebaha Admiral Cabdixamiid Dirir iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashaandhigga ahna ku-simaha Agaasimaha Guud Maxamuud Cali Axmed “Fanax” ayaa kormeer waxay ku tageen xarunta Wasaaradda Dekadaha iyo  Gaadiidka Badda, halkaas oo ay kulan kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Marwo Maryan  Aweys iyo xubno ka tirsan Wasaaradaas.

Kulanka oo ujeedkiisa ahaa dardar-galinta howlaha baaxadda leh Ciidanka Badda iyo ilaalada Xeebaha Soomaaliya ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabdixamiid Dirir oo xusay in dib-u-habeyn ballaaran lagu sameeyay Ciidanka Badda, isagoo tilmaamay in ay wadaan qorshe ballaaran oo ay ku dardar-galinayaan howlaha shaqo ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay u hayaan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmamay in kulanka uu ahaa mid miro-dhal ah oo lagu xoojinayay howlaha shaqo ee Ciidanka badda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

Xubnahan ayaa kormeeray qeybo ka mid ah Dekadda Muqdisho iyo xarumaha Cidanka Badda iyo ilaalinta Xeebaha, halkaas oo laga hago howlgelinta ciidanka marka ay howlgallada ka sameynayaan xeebaha Soomaaliya,

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya oo ka duuleysa dib-u-habeynta iyo tayeynta ciidamada ayaa wada qorshe ballaaran oo ciidamada badda lagu horumarinayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...