Saturday, October 24, 2026
26.3 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Puntland ‘Deni’ oo maanta safar dibadda u ambabaxay, halkee buu aaday (Ogow Ujeedka)!

 


Garoowe (Halqarna.com) –
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Isniintii maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka dibaddiisa, gaar ahaan dalka Itoobiya oo uu ku hormarayo.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Ashir ee magaalada Garoowe waxaa ku sii sagootiyey Madaxweynaha iyo waftigiisa Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Saraakiil Ciidan, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, ayaa inta safarka dibadda uu ku maqan yahay wuxuu tagi doonaa dalal kale oo madax kala duwan uu kula soo kulmi doono.

Wax faah faahin intaa ka badan lagama haayo safarka Madaxweyne Dani uu ugu ambabaxay dalka Itoobiya iyo midka kale ee uu ku tagaayo dalalka kale ee caalamka.

Mar walba kala soco wararkii ugu dambeeyay Halqaran.com

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...