Baydhabo (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay.
Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay ku-xigeenka koowaad ee Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.
Sidoo kale wafdigaan ayaa qeyb ka ahaa Wakiillada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Diblumaasiyiin kale.
Mas’uuliyiinta ayaa waxaa ay kawada hadleen Xoojinta iyo joogteynta xiriirka wada-shaqeyneed ee maamulka koonfur Galbeed iyo xaqiijinta shirka lagu balansan yahay 20-ka bishan inuu ka dhaco magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa uga mahadceliyay wafdiga booqashada ay ugu yimaadeen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





