Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

UNHCR oo sheegtay in Kenya aysan xiri doonin Xeryaha qaxootiga

Dhadhaab (Halqaran.com) – Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya aysan xiri doonin xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma, balse ay dooneyso in xal laga helo.

oo ah mas’uul ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay ayaa booqday dalalka DR Congo, Rwanda iyo Burundi, isaga oo kormeeraya dhibaatooyinka xilligan haysta qaxootiga ku sugan gobolka.

Waxay aheyd bishii la soo dhaafay, Kenya ayaa siisay 14 maalmood oo kama dambeys ah inay ku xiro xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma, iyadoo ku andacooneysa walaac xagga amniga qaranka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa xilligaas sheegtay in aanay jirin waddo kale o u furan.

Filippo Grandi ayaa u sheegay warbaahinta in wadahadal aad u wanaagsan ay la yeesheen dowladda Kenya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...