Friday, April 17, 2026
29.7 C
Mogadishu

Jabuuti ‘‘Eedeynta DF Somaliya waa mid dano siyaasadeed laga leeyahay‘‘

Jabuuti (Halqaran.com) – Jamhuuriyadda dalka Jabuuti ayaa ka jawaabaty eedayn ay dhawaan DF Soomaaliya u jeedisay, taas oo la xirirtay in Jabuuti ay galaangal ku laheyd bayaankii ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga afrika, bayaankaas oo uu goluhu ku cambaareeyay muddo kororsiga hay’adaha dowladda federaalka.

Jabuuti ayaa sheegtay inay ku mowqif tahay Ururka Midowga Afrika, isla markaana dano siyaasadeed laga leeyahay eedda dowladda Soomaaliya ay u soo jeedisay.

“Jabuuti waxa ay aad uga walaacsan tahay hadallada ka soo yeeray wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya, isagoo Jabuuti ka been abuuray, Jabuuti waa dal taariikh ahaan u muujinaya taageero walaaltinimo oo joogta ah Soomaaliya,”

“Jabuuti waxa ay daddaal ku bixisay nadaynta iyo dib u heshiisiinta, shirkii Carta oo la ogyahay natiijadii ka soo baxday oo ay Soomaaliya ka dhaxashay inay dib u soo ceshato kursigii ay ku laheyd Qaramada Midoobay kaddib sanado badan oo ay ka maqnayd.” ayaa waxaa sidaa yiri wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon oo la hadlay warbaahinta.

Dhanka kale, Jabuuti ayaa hadalka dowladda Soomaaliya ku sheegtay in dano siyaasadeed uun laga leeyahay, haatanse ay tahay in doorasho sidii loo qaban lahaa laga shaqeeyo.

Wasiirka warfaafinta ee Jabuuti, Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon ayaa sidoo kale yiri, “Eedaymaha noocan oo kale ah ee Soomaaliya ay jeedinayso waa dano siyaasadeed, waxaana waqtigan muhiim ah inay madaxda siyaasadeed ay hal ujeedo lahaadaan, taas oo ah, inay si degdeg ah uga heshiiyaan qorshaha doorasho lagu kalsoonaan karo oo wagtigeeda ku dhacda si loo xoojiyo nabadda, xasiloonnida iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.”

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiistii dalalka Kenya iyo Jabuuti ku eedaysay inay wadaan olole ka dhan ah oo ay sheegtay inay ka dhex wadaan Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...