Muqdisho (Halqaran.com) – Mareykanka ayaa si weyn u taageeray tallaabada Ururka Midowga Afrika uu ku cambaareeyay muddo kordhinta Hay’adaha Dowladda Federaalka.
“Waxaan taageersanahay go’aanka Ururka Midowga Afrika ee lagu cambaareynayo muddo kordhinta uu toddobaadkii hore meelmariyay Baarlamaanka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika.
War qoraalka ayaa lagu sheegay in Mareykanka soo dhaweynayo doorka uu Midowga Afrika ugu kala dab-qaadayo Danleyda Siyaasadda ee Soomaaliya, iyadoona Madaxda Dowladda Federaalka loogu baaqay inay oggolaadaan waddo si degdeg ahi loogu xalin karo khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.
“Waxaan soo dhaweyneynaa dhexdhexaadinta Midowga Afrika, waxaana ku boorineynaa Madaxda Soomaaliya inay oggolaadaan waddo horey loogu socdo, oo si dhakhso ah loogu xalinayo xiisadda doorashada.” Ayaa lagu sheegay qoraalka.
Ururka Midowga Afrika ayaa xalay soo saaray War-murtiyeed lagu laayay muddada labada sano ee loogu daray muddo xileedka Hay’adaha Dowladda Federaalka, waxaana Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladda Goboleedyada loogu baaqay inay u hoggaansamaan heshiiskii 17-kii September, ee qeexayay nooca doorasho ee dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





