Saturday, May 23, 2026
28.9 C
Mogadishu

Golaha Shacabka ee BF Somaliya oo u codeeyay in doorasho qof iyo cod ah dalka ka dhacdo

Muqdisho (Halqaran.com) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa Isniintii maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana kulanka ay uga hadleen mooshin la xiriiray doorashooyinka dalka.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaannada u qeybiyay Mooshin ay saxiixeen 27 kamid ah Golaha Shacabka, kaas oo jiheynaya doorashooyinka heer Federaal oo ah doorasho qof iyo cod ah.

Sidoo kale, qaraarka ayaa waxaa ku qoran in Xukuumadda la faray in Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran looga dambeeyo arrimaha la xiriira doorashooyinka heer federaal, gacan buuxdana lagu siiyo meel marinta waajibaadkooda dastuurig si ay awood ugu yeeshaan in muddo labo sano gudahood inay doorasho qof iyo cod ku qabtaan.

Intaasi kadib Xildhibaannada ayaa cod u qaaday mooshinka la xiriira jiheynta doorashada oo dhigaya in muddo laba sano gudahood ah lagu qabto doorasho loona madax banaaneeyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku dhawaaqay natiijada ayaa sheegay in 149 Xildhibaan ay u codeysay Sharciga jiheynta doorashada, Saddex mudane ay diideen, waxaana ka aamusay hal xildhibaan.

Si kastaba, go’aanka Golaha Shacabka ayaa ka dhigay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hay’adaha kale ee dowladda ay sii shaqeyn doonaan muddo laba sano ah ee soo socota.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...