Sunday, June 21, 2026
27.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha Puntland ‘Deni’ oo ka hadlay markii ugu horreysay Maqaamka Muqdisho (Muxu ka yiri)?

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galay Munaasabad lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu ka hadlay arrinta Maqaamka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa waxa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay inay marti geliso Shirarka Soomaaliya, waxaana uu ku baaqay maqaamka Gobolka Banaadir arrintiisa looga hadlo Magaalada Garoowe, isla markaana ay Xukumadiisa ay fidin doonto Gogosha Shirka.

Wuxuu kaloo sheegaya, Mr. Deni ayaa waxaa uu cosaday in wada-hadalada u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland lagu qabtay Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in arrinta Somaliland ay tahay caqabad hortaagan Dastuurka Soomaaliya.

Si kastaba, kulanka uu Madaxweyne Deni ka sheegay halkaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madax ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland iyo Ra’iisul Wasaarihii ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Xafiiska Halqaran.com, Garoowe
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...